
Somali Language Learning for Kinds & Adults | Barashada Afka Soomaaliga ee Caruurta
Haafid Academy waxay kuu haysaa fasalo barashasda Afka Soomaaliga ee caruurta iyo dadka waaweynba. Waxaan ku dadaalnay in caruurta Soomaaiyeed ama dadka waaweyn ee ku nool qurbaha ay bartaan afkooda hooyo iyaga oo gurigooda jooga. Ubad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku barbaara qurbaha iyada oo Af Soomaaligu uusan ahayn afka koobaad ee ay wax ku bartaan. Waalidka caruurta dhalayna inta badan waqti uma helaan inay caruurta waqti dheer kula hadlaan afkooda hooyo; maadaama qoysku uu inta badan shaqo iyo waxbarasho ku kala maqan yahay. Nasiib wanaag Haafid Academy waxay ka howlgashaa dalka Soomaaliya; waxayna sidaas darteed helaysaa macalimiin khibrad u leh baridda Afka Soomaaliga. Inaga oo uga faa’iidaynayna bulshada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha waxaan isku xiraynaa macalimiinta dhigta Afka Soomaaliga iyo ardayda jooga qurbaha; inaga oo ka faa’iidaysanayna waxbarista nooca fogaan-arragga (ama online learning).
Barashada Afka Soomaaliga ee Caruurta (Somali Language Classes for Kids), waxay ka kooban tahay heerar bilow, dhexdhexaad, ilaa iyo heer sare. Hadafkeenu waa in caruurtu ay barato marka hore ku dhawaaqidda saxda ah ee xarfaha; kadibna loo kordhiyo erayada cusub ee ay ku hadli karaan; ilaa iyo marka danbe laga gaaro inay dhisaan jumlado dhaadheer. In caruur wax la baro waxaan marnaba ka maqnayn sheekooyin soo jiita caruurta si ay barashada luuqadda ugu dhinac wadaan barashada dhaqankooda. Casharadu waxay isagu jiraan laba, saddex, afar ilaa iyo shan maalmood; waxayna ku xiran tahay doorashada ardayga.
Haddaba haddii aad tahay waalid ku nool qurbaha oo u doonaya ubadkiisa inay si sax ah ugu hadaan afkooda hooyo. Nala soo xariir, si aanu u wada dajino qorshe waxbarasho oo ilmahaaga anfaca.
Somali Language Learning Classes for Kids
Haafid Academy offers Somali language learning classes for kids and adults living outside of the country. Many Somali children live outside of Somalia, and they grow without learning the basic Somali vocabulary they need for their everyday conversation. Usually when there is a language barrier it affects the children’s ability to learn their culture properly. Many Somali parents sent their children to Somali so they can learn the language better. At Haafid Academy we want to provide high quality Somali language classes for kids wherever they live in the world. Haafid Academy is based in Somalia; this enables us to work with some of the best Somali language teachers in Somalia. With the help of Skye or Zoom in sha’ Allah we will be able to arrange Somali language classes with some of the best teachers in Somalia.
Our Somali language learning classes for kids and adults consist of beginner, intermediate and advanced levels. Our goal is to teach kids how to pronounce words the correct way. In sha’ Allah we will also teach them how to read and write, so they can read Somali books alone. When we build a strong foundation, it will be easy to advance the level of vocabulary the child knows. It is also important that children learn how to construct Somali sentence with the help of Somali stories. The Somali language program for kids is made of two, three, four and up to five days. The number of days will depend how fast the child and of course adults want to learn the language.
If you would like more information about our Somali language classes for children and adults please contact Haafid Academy. In sha’ Allah we will do our best to contact you in the shortest time possible.