Macalin Quran Online

Macalin Quraan Online

Sida aan ognahay, barashada iyo akhriska Qur’aanku waa waajibaad diini ah oo muhiim ah. Muslimiinta waa ku waajib inay bartaan Qur’aanka oo ay ku camal falaan, akhrinta iyo ku camalfalka Quraankuna waa ficil lagu helayo ajar badan iyo naxariista Eebe. Sidaas darteed waxaa lama huraan ah in qofka Muslimka ahi Quraanku uu si wanaagsan u barto, caruurtiisana baro, inta ay yar yahiin oo ay maskaxdoodu furan tahay.

Haafid Academy waxay la shaqaysaa macalimiin Quraan online-ah oo aqoon dheer u leh barista Quraanka Kariimka ah. Macalin Quraan online ku dhigaa waa inu aqoon durugsan u yeeshaa Quraanka, tegnolajiyadda casriga ah iyo sida qof ka fog wax loo baro. Intaas waxaa dheer in waxbarashada onlaynka ahi ay u baahan tahay waqti ilaalin iyo masuuliyad gaar ah maadaama aysan ardaydu ku sugnayn goobta uu macalinku ku sugan yahay. Haafid Academy iyada oo dhanacyo badan eegaysa waxay ardayda akademiyadda ku xiran u xushay macalimiin Quraan online wax ku bara oo leh aqoon iyo xirfad aad u saraysa; iyo waliba bisaylka ay u leeyahiin inay arday ka fog wax ku baraan. Macalim Quraan online-ka ah ee wax ka dhiga Haafid Academy waa inuu mar walba ku dadaalo inuu bixiyo casharo si fudud loola socon karo oo qofka baranaya uu sida ugu fudud ula socon karo.

Macalin Quraan Online (Macalin ama Macalimad)

Waxaan had iyo jeer tixgelinaa doorashada ardayga, sidaas darteed waxaan ku dadaalnaa inaan shaqaalaysiino macalimiin rag iyo haweenba leh, si ardayga doorta macalimad uu si sahlan ugu heli karo; sidoo kalena aan u heli karno macalim marka ay ardaydeenu doortaan. Waxaan aaminsan nahay inay tahay waajibaad diini ah oo na saaran inaan diinta Islaamka u gudbino si sax ah, sidaas darteedna waa waxa aan mar walba ku dadaalnaa inaan shaqaalaysiino macalimiin aqoon dheer u leh casharka ay bixinayaan. Sababtaas ayaa keenaysaa in uusan qof waliba macalin ka noqon karin Haafid Academy haddii uusan soo buuxin sharuudahii loogu talagalay inuu macalinku ka soo baxo. Hadafkeenu waa inaan shaqaalayno macalimiin Quraan online ah oo aan bixino waxbarashada Quraanka Kariimka ah ee ugu tayada wanaagsan.

Barashada Diinta oo Online ah

Nasiib wanaag waayadan hadda waxaa suurtagal ah in aradaygu uu diinta barto iyada ama isaga oo jooga gurigiisa. Taasna waxaa sahlay isticmaalka internetka iyo barnaamijyo ay ka midka yahiin Skype iyo Zoom. In diinta lagu barto hab onlayn ah waxay sahashay in uusan ardaygu safrin, si amaan ahna uu gurigiisa casharka ugu qaato. Waxay waxbarashada onlaynka ah sidoo kale hooyooyin badan oo caruur guriga ku haysta u sahashay inay diinta bartaan, oo ay waliba ka bartaan macalimiin haween ah, oo iyaguna ay macquul tahay inay yahiin hooyooyin guriga ay caruur yaryari u joogto. Haafid Academy waxay aaminsan tahay in laga faa’iidaysto tignolajiyadda cusub oo dadka Soomaaliyeed ee caalamka ku baahsan ay bartaan Quraanka Kariimka ah, oo ay caruurtooda baraan luuqadda Afka Soomaaliga oo caruur badan dibadda ku dhalatay ay dhib ku qabaan ku hadalkiisa iyo fahmiddiisa. Haafid waxay in sha’ Allah rajaynaysaa inay mustaqbalka dhow ku soo darto casharo kale oo dadka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan.

Isdiiwaangali Maanta.