
Dugsiga Barashada Quraanka, Afka Soomaaliga iyo Luuqadda Carabiga
Dugsiga barashada quraanka, Afka Soomaaliga iyo Luuqadda Carabiga ee Haafid Academy waxuu kuu diyaariyay fasalo onlayn ah oo loogu talagalay caruurta iyo dadka waaweynba. Mac’hadku waxuu sahlay barashada quraanka iyo diinta oo online ah iyo waliba fasalo Afka Soomaaliga lagu baro caruurta dalka dibaddiisa ku dhalatay ee la rabo inay si wanaagsan u bartaan afkooda hooyo. Haafid waxuu sidoo kale idiin hayaa macalimiin khibrad u leh luuqadda Carabiga oo wax ka dhiga Jaamacadda Al-azhar, ee dalkaasi Masar.
Dugsiga barashada quraanka waxaa gacanta ku haya macalimiin khibrad u leh inay caruurta iyo dadka waaweynba wax ku baraan si onlayn ah. Adiga oo gurigaaga jooga oo aan safrin ayaanu kuu sahalnay inay caruuraadu onlayn wax ku bartaan; iyada oo waalidka u suurtagalinaysa inay la socdaan horumarka uu ilmahoodu gaarayo. Dhibaatooyinka karantiilka ee wadamo badan oo ay Soomaalidu ku nooshahay sida USA, Canada iyo Europe ayaa keenaya in waaliddiin badani ay noola soo xariiraan inay iyaga iyo caruurtooduba si onlayn ah wax ku bartaan. Nasiib wanaag Haafid Academy ayaa kuula diyaar ah inuu kabo baahida aad u qabto inaad adiga iyo caruurtaaduba aad barataan diinta.
Dugsiga waxaa wax ka dhiga macalimiin isagu jira rag iyo dumar; si aan ardayda fursad ugu siino inay iyagu doortaan qofka wax u dhigaya. Soomaali badan oo ku nool dalka dibaddiisa ayaa waxay dhib kala kulmeen isfahanka macalimiinta Quraanka online ku dhigta oo ku hadasha luuqad ka duwan Afka Soomaaliga; taasi waxay keentay is fahan waa badan maadaama dhaqanka iyo luuqaddu ay kala duwan yahiin. Macalimiinta Haafid Academy ee Quraanka dhiga dhamaantood waa Soomaali. Luuqadda Carabiga oo kaliya ayay bixiyaan macalimiin carbeed.
Carasharada lagu bixiyo khadka tooska ah ee onlaynka waxay isagu jiraan kuwo bilow ah, dhex-dhexaad ilaa iyo heer sare. Waxaan bixinaa casharo bilow ah sida higaada si uu ardaygu kaligiis u akhrisan karo quraanka. Jadwalka casharadu waxuu baxi karaa saacad walba oo uu ardaygu doorto. Macalimiinteenu waxay diyaar kuu yahiin 24/7 sanadkii oo dhan marka laga reebo maalmaha dabaaldegyada. Inta aadan bilaabin inaad ku soo biirto dugsiga barashada Quraanka online ka ah, waxaan ku siinaynaa ilaa iyo 3 cashar oo aad ku tijaabiso tayada macalimiinteena. Maalmaha tijaabada waa bilaash ardaygana waxay u ogolaanaysaa inay go’aan ka gaaraan habka aan casharada u bixino iyo manhajkeena.
Dugsiga Quraanka Onlaynka
Haddii aad qabto wax su’aalo ah Haafi Academy waxay diyaar kuula tahay inay kaaga jawaabto. Waxaad nala soo xariiri kartaa waqti walba. Tel: +252610334422 ama si toos ah noogala soo xaariir Foomka Xariirka. (Contact Us)