Haafid Academy Online – Dugsi Quraan

Dugsi Quraan Online

Haafid Academy Online waa dugsi quraan online ah oo aad diinta uga baran karto meel walba oo aad aduunka ka joogto. Haafid Academy waxay kuu diyaarisay macalimiin khibrad u leh baridda Quraanka iyo casharada diiniga ah. Ujeedada dugsigu waa inuu waaliddiinta ku nool qurbaha u sahlo inay waxbarashada diiniga ah ee ubadkooda. Dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa baahi weyn u qaba inay helaan macalimiin ku hadlaysa afkooda hooyo, fahmaysana baahida waxbarasho ee caruurtooda. Dugsiga Quraanka waxaa wax ka baran kara caruur, dhalinyaro iyo qof weynba, waxaana u sahlaynaa inuu ardaygu isaga oo gurigiisa jooga uu si sahlan wax ku baran karo.

Dugsi Quraan Somali

Soomaalidu waxay aqoon durugsan u leedahay barashada Quraanka iyo diinta. Allaah ayaana mahad leh oo waa sababta ay caruurta Soomaaliyeed ay natiijo fiican uga gaaraan tartanka Quraanka ee lagu qabto caalamka. Haafid Academy waxay sii horumarinaysaa dhaqankaas Dugsi Quraan Somali ah uu lahaan jiray oo ah inay ardaydu korka ka qaybaan quraanka iyaga oo ku akhrinaya higaag iyo tajwiid sax ah. Macalimiinteenu dhamaan waxay ku hadashaa Afka Soomaaliga, waxayna sahlaysaa inay waalidiinta iyo macalimiintu wada xariiraan iyada oo aan turjumaan u dhaxayn.

Macalin Dugsi Quraan

Macalin dugsi Quraanka wax ka dhiga Haafid waa macalin aanu ku soo xulnay aqoonta iyo khibradiisa. Waxayna isagu jiraan Rag iyo dumarba; si aan ardaydeena ugu sahalno inay doortaan macalin dabooli kara baahidooda. Nasiib wanaag Soomaaliya waxay hodon ku tahay macalimiin dumar ah oo aqoon u leh diinta; inaga oo fursaddaas ka faa’iidaysanayna ayaana nasiib u yeelanay inaan la shaqayno macalimiin dumar ah oo diyaar u ah inay wax baraan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibaddaba. Macalin dugsiga casriga ahi aqoonta diinta ka sakow waa inuu sidoo kale leeyahay ama ay awood u leeyahiin inay isticmaalaan tegnolajiyadda cusub ee internetka, Skpe, Zoom iyo kombiyutarka. Sidaas darteed macaliminiinta nala shaqaysa waxay awood u leeyahiin inay waxbarashada ku bixiyaan online. In kasta oo ay adag tahay in la helo macalin dugsi Quraan oo sidoo kale ku hadla Afka Ingiriisiga, waxaan mar walba isku daynaa inaan tixgalin gaar ah siino macalimiinta ku hadli kara luuqado kale, si aan caruurta Soomaaliyeed ee ku dhalatay qurbaha aan ugu sahalno fahamka macalinka.

Dugsi Quraan Caruurta

Haafid Academy Online waa dugsi quraan caruurta oo dhamaystiran. Taas macnaheedu waxuu yahay inaan wax barno caruurta da’walba oo ay jiraan 4 jir ilaa iyo ka weyn. Meel walba oo ay kaga nool yahiin aduunka. Waxaan sidoo kale awooda saarnaa inaan caruurta barno Afka Soomaaliga, waana sababta ay macalimiinteenu inta badan caruurta kula hadlaan Afka Soomaaliga si ay ugu fududaato fahamkiisa. Caruurta way u sahlan tahay inay wax bartaan, sidaas darteed ayay haboon tahay in uu dugsiga Quraanka caruurtu noqdo meel ay sidoo kale caruurtu ku baran karaan luuqadda iyo fahamka diinta inta ay yar yahiin. Caruurta ka sakow, Haafid Academy waxay waxbartaa dhalinyarada iyo dadka waaweynba; ay qoysasku wax uga bartaan dugsiga, qof yar iyo qof weynba. Taas macnaheedu waxuu yahay in dugsigeenu yahay meel qoyska oo dhami ay wax ka baran karaan.

Nala Soo xariir

Haddii aad hayso wax su’aalo ah ama aad doonayso warbixin dheeri ah oo ku saabsan Haafid, fadlan nala soo xariir. Waxaan diyaar u nahay inaan ku siino casharo bilaash ah oo aad ku tijaabiso macalimiinta wax ka dhiga dugsiga. Ku soo dhawow gacmo furan!