
Barashada Quraanka Kariimka
Mac’hadka Haafid Academy Online waxuu kuu fududeeyay barashada Quraanka Kariimka ah; iyada oo si online ah wax lagugu barayo meel walba oo aad aduunka ka joogto. Iyada oo laga faa’iidaysanayo aaladda Internetka hadda waxaa fudud barashada Quraanka Kariimka ah. Haddii aad ku nooshahay USA (Maraykanka), Canada ama Yurub sida UK, Nederland (Netherlands), Belgium, Germany, Sweden, Norway, Denmark, Sweden, Italy, France, Switzerland ama Australia ama New Zealand, waxaad wax ka baran kartaa oo kuu diyaar ah macalimiin aqoon dheer u leh baridda Quraanka Kariimka ah oo jooga Soomaaliya iyo Kenya. Macalimiinta Haafida waxa ay isagu jiraan dumar iyo ragba. Ka faa’iidayso fursaddan qaaliga ah. Waxaad awooddaa inaad dhowr saacadood asbuuciiba aad u qoondayso barashda quraanka iyo diinta.
Barashada Quraanka Online
Barashada Quranka Online-ka ah ee uu Haafid bixiyo waxay ka baxdaa Zoom iyo Skype. Ardaygu waxuu u baahan yahay inuu soo dagsado barnaamijyadaas kore, iyada oo lagu talinayo inuu ardaygu haysto computer ama laptop; in kasta oo uu ardaygu isticmaali karo mobayl hadana waxuu ardaygu si fiican u arki karaa casharka. Haafid waxay waxbartaa caruur iyo dadka waaweynba. Barashada Quraanka Online-ka ahina waxay u suurtagalinaysaa qoysaska inay la socdaan horumarka caruurtooda, iyaga oo ku sugan gurigooda, una baahnayn inay saftaan.
Barashada Quraanka Caruurta
Haafid Academy waxay bixisaa barashada Quraanka caruurta oo heerark kala duwan leh. Iyada oo da’da caruurtu ay u dhaxayso 4 sano jir ilaa iyo ka weyn. Caruurta waxaan wax ugu dhignaa sidii dhaqanka u ahayd macalimiinta Soomaalida ee ahayd xafidsiinta quraanka. Caruurta waxaa laga filayaa inay soo xafidaan casharada uu macalinku siiyo; waana mas’uuliyadda waalidka inuu hubiyo inuu ilmahu helo waqti uu soo barto casharkii uu macalinku baray waqtigii loo baahnaa. Sida qaalibka ah, caruurtu si fudud ayay wax u baran karaan; kaliya waxay u baahan yahiin dhiirigalin iyo inay helaan waxbarid xiiso leh. Macalimiinteenu waxay mar walba ku dadaalayaan inay barashada quraanka caruurta uga dhigaan mid fudud, si ay ugu dhiiradaan oo ay u helaan isku kalsooni.
Barashada Quraanka Dadka Waaweyn
Mac’hadku waxuu sidoo kale bixiyaa barashada Quraanka dadka waaweyn oo loogu talagalay ardayda waaweyn ee doonaya inay Quranka soo bilaabaan ama horay u soo bartay ee raba inay dhameeyaan. Si loogu sahlo ardayda dadka waaweyn inay Quraanka iyo diinta bartaan waxaan samaynay fasalo barashada Quraanka dadka waaweyn ah oo baxaya maalmaha Sabtida iyo Axadda (Weekends), si dadka shaqeeya ay waqti ugu helaan inay diinta bartaan. Haddii aad jeclaan lahayd inaad boorka ka jafto higaadda Quraanka iyo tajwiidka mac’hadku waxuu diyaar kuula yahay fasalo daboolaya baahidaada meel walba oo aad aduunka uga sugan tahay.
Nala soo xariir
Ugu danbayn Haafid waxay diyaar idiinla tahay har iyo habaynba inaad heshaan barashada Quraanka 24/7, iyada oo suurtagalinaysa inay qoyska oo dhami diinta bartaan caruur iyo dad waaweynba. Waxaan ku siinaynaa casharo bilaash ah oo aad ku hubin karto tayada waxbarashadeena. Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeri ah, la soo xarii Haafid Academy Online. Isqoritaanku wuu socdaa. Waxaad iska diiwaangalin kartaa websaytkeena ama nagala soo xariir +252610334422 (Whatsapp). Isdiiwaangalintu kuguma waajibinayso inaad ku soo biirto dugsigeena. Ku soo dhawow gacmo furan!