Barashada Quraanka Caruurta

Barashada Quraanka Caruurta Online

Ma ka welwelsan tahay waxbarashada Qur’aanka ee naftaada ama ilmahaaga? Haafid Academy ayaa diyaar u ah inay soo afjarto welwelkaaga. Haafid Academy waxay leedahay qayb barashada quraanka caruurta oo onlayn ah. Haafid Academy waa akademiyad qur’aan online ah oo bixisa duruus qur’aan, culuunta diinta, Afka Soomaaliga iyo Carabiga oo loogu talagalay caruur iyo dadka waaweynba. Waxaan wax baranaa ardayda da’ kasta leh meel walba oo ay dunida ug nool yahiin. Waxaad quraanka ku baran kartaa qaab onlayn ah, meel kasta oo aad ku nooshahay. Waxaa laga yaabaa inaad degan tahay USA, UK, France, Italy, Norway, Sweden, Nederlands, Germany, Denmark, Belgium, Austria, Switzerland, Australia, Zew Zealand ama wadan kale oo kama qayb kasta oo ka mid ah wadamada ay Soomaalidu ku nooshahay. Casharadeena barashada quraanka caruurta waxaa loogu talagalay in wax lagu baro caruurta Soomaaliyeed ee ku nool dibada waqtigooduna uu kala duwan yahay – sidaas darteed wax dhib ah ma lahan waqtiga ay caruurtaadu baranayaan Quraanka, Afka Soomaaliga, Carabiga ama casharada kale oo diiniga ah.

Koorasyada Qur’aanka kariimka ah ee onlineka ah waxaa loogu talagalay ardayda heerarka kala duwan. Waxaad ka dooran kartaa heerar kala duwan oo bilow, dhex-dhexaad ilaa iyo dhamaad leh. Haddii aad tahay bilow, waxaanu haynaa casharada bilowga ah ee caruurtaada ugu haboon. Tusaale ahaan, waxaan bixinaa casharo hikaad ah iyo casharo Tajwiidka aasaasiga ah. Kuwaani waxay u fiican yihiin ardayda bilowga ah oo la doonayo inay quraanka hoos ka soo bilaabaan, si sax ahna u bartaan dhawaaqa xuruufaha. Ardayda horay wax u soo bartay waxay qaadan karaan koorsooyinka Tajwiidka sare. Sida casharka caruurtaada loo siinayo waxay gabi ahaanba ku xiran tahay adiga iyo baahida caruurtaada- ujeedadeenu waa inaan ku siino waxbarashda ugu fiican ee aad onlayn ka heli karto.

Barashada Quraanka oo Tajwiid ah

Dhamaan macalimiinta wax ka dhigta Haafid waxay casharada barashada Quraanku ku bixiyaan tajwiid. Taas macnaheedu waxuu yahay inay caruurtu si wanaagsan u bartaan ku dhawaaqidda xarfaha Quraanka inta carabkoodu uu jilicsan yahay. Marka xoogga la saaro tajwiidka sanadaha hore ee caruurta waxay suurtagalinaysaa in caruurto yeeshaan aas-aas adag oo ay ku bartaan Quraanka Kariimka ah. Marka ay fariisato akhrinta iyo ku dhawaaqidda Quraanka oo ku fadhida sharuucda Tajwiidka ayay Haafid Academy waxay awoodda saartaa inay caruurtu Quraanka xafidaan. Caruurta way u fududahay inay bartaan wax cusub, haddii ay helaan macalin Quraan aqoon u leh waxbaridda fog (online-ka) waxay caruurtu awoodaan inay horumar ka gaaraan barashada diinta iyaga oo gurigooda jooga, amaana ku qaba.

Macalimiinteena Qur’aanka kariimka ah waxay leeyihiin waayo-aragnimo aad u weyn. Waxay intooda badan caruurta waxbarayeen sanado badan; taas oo ay aqoon durugsan u yeesheen inay u dulqaataan caruurta, mar walbana ku dhiirigaliyaan inay horumaraan. Macalimiinteenu waxay yaqaanaan hababka saxda ah ee lagu abuuro jawi waxbarasho oo dhiirigalinaya caruurta da’ walba jirta iyo dhalinyarada. Hadafka macalimiinteenu leeyahiin waa inay barashada diinta ka dhigaan mid fudud oo ardaygu uu jeclaysto qaadashadeeda; iyaga oo aan la qasbinna ay mar walba ku soo biiraan fasalada onlaynka ah ee Haafid Academy.

Haddii aad tahay waalid ay caruur ama dhalin yaro u joogto oo jecel inay bartaan Quraanka Kariimka, Diinta, Afka Soomaaliga ama Afka Carabiga, amaba aad adigu jeceshahay inaad barato Quraanka iyo diinta, fadlan la soo xariir Haafid. Buuxi foomka isdiiwaangalinta si aan kuula soo xariirno.